Ciidamo Itoobiyaan dheeraad ah oo saakay soo gaaray magaalada Baladweyn

Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta Hiiraan ayaa sheegaya in saakay ay soo gaareen magaalada ciidamo tira badan oo Itoobiyaan ah.

Ciidamadaan oo sida la sheegayo ka yimid degmada Feefeer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wata gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah iyo Taangiyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadaan intooda badan ay u gudbeen dhinaca galbeed ee magaalada Baladweye, xilli horay ay u joogeen ciidamadi dagaalka ku qabsaday ee isugu jiray Soomaalida iyo Itoobiyaanka.

Dhanka kale dagaal culus ayaa xalay saqdi dhexe ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Al Shabaab deegaanka Diirimaadle oo dhinaca waqoo bari 50-km kaga beegan magaalada Baladweyn.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna Aadan Cabdulle Cawaale deegaank Diirimaadle oo ah meel istaraatiiji ah iskuna xirta magaalada Baladweyne iyo degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Lama oga qasaaraha dagaalka, waxaana go,an isgaarsiinta deegaanka, hase yeeshee waxaa la leeyahay dagaalka waxa uu soo gaaray saakay aroortii.
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]