AL Shabab oo qabiilada Soomaaliya ka codsaday in ay dagaalka kula soo biiraan

Xarakada AL Shabaab ayaa ka codsaday qabaa,ilada Soomaalida in ay garab ku siiyaan dagaalada ay hada ku jiraan ee wajiyada badan leh.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay kula kulmay magaalada Buula Barde odayaasha qabaa’ilka dego halkaasi ayaa ugu baaqay in la joogi xiligi la isu baahnaa.

Wuxuu ku amaanay Cali Dheere qabiilada Soomaalida in ay yihiin dad neceb gaalada kuna wanaagsan hab dagaalka iyo jihaad galista sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qabaa,ilka Soomaaliyeed in ay difaacaan diinta Ilaaheey dhamaanteena isugu kaashano gaalada, qabaa,ilka Soomaliyeed waa dad lagu yaqaano gaala naceybka iyo jihaadka, waxaan ka codsaneynaa in ay boorka iska jafaan taariikhdoodiina hasoo nooleeyaan,” ayuu yiri.

Al Shabaab ayaa bilooyinki ugu danbeeyey qalqaalo ku hayey qabiilada dego gobolada ay maamulaan sidi ay uga heli lahaayeen taageero dhinaca dagaalka ah, waxaana todobaadki hore sidaan oo kale baaq u diray qabiilada Soomaalida hogaamiyaha Shabaab Axmed Aw Godane (Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr).

Al Shabaab ayaa hada wajahaya xaalad dagaal oo qorsheysan oo ay dhinacyo badan kaga soo qaadeen ciidamada Kenya, Ethiopia, AMISOM, Ciidamada Dowlada KMG iyo Ahlu Suna.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]