Ahlu Suna iyo Al Shabaab oo guula ka kala sheegtay dagaalki Bulacle

Ururada Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ayaa guula ka kala sheegtay dagaaladi shalay ka dhacay deegaanada Bulacle iyo Beerta Silig ee duleedka Dhuusamareeb.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna oo lagu magacaabo C/laahi Axmed Samatar ayaa sheegay in ay ka dileen Al Shabaab in ka badan 10 dagaalyahana isla markaana ka qabsadeen deegaanka Bulacle.

Mas,uulkaan ayaa sidoo kale sheegay in aysan joogsan doonin ilaa ay ka wada qabsanayaan deegaanada ay hada heysato Al Shabaab ee gobolka Galguduud.
“Dagaalka Bulacle ma joogsan doono waxaana maalmaha soo aadan qabsan doonaan deegaanada akala Ceelgaras, Ceelbuur, Galhareere, Ceeldheer, Galcad iyo Masagawaa, waxaan rajeyneynaa in dadka ay nagu soo dhaweeyaan caleemo qoyan” ayuu yiri Mr Samatar.

Dhanka kale Afhayeenka Al Shabaab Abu Muscab ayaa sheegay in ay ka dileen Ahlu Suna ilaa lix dagaalyahan oo ay kaga carareen meydkooda goobti lagu dagaalamay.

” Dagaalkaasi wuxuu  ahaa mushrikiinta in ay weerar kusoo qaadeen Deegaanka Beerta Silig oo 10-km u jira Dhuusamareeb, mushrikiinta wey jabeen waxayna uga tageen dhimasho iyo dhawaac mujaahidiinta ayaana gacanta ku haya goobti lagu dagaalamay,” ayuu yiri Abu Muscab.

Wararka ka madaxa banaan labada dhinac ayaa sheegaya in Al Shabaab iyo Ahlu Suna ay wali isku hor fadhiyaan duleedka Bulacle lagana yaabo in mar kale ay dagaalamaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]