3 nin oo maanta lagu toogtay bariga magaalada Baladweyne

Ciidamada taabacsan dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa maanta toogtay sadex wiil oo dhalinyara ah oo ay kala dageen gaari rakaab ah oo ay la socdeen.

Sadexda nin ee la dilay ayaa la socday gaari ka yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo, waxaana ay kusii jeedeen magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan dad goob joog ah.

Wariyaasha ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegay in marki gaariga lagala dagay ragaasi la geeyey halka loo yaqaano buundada Dhagax Jabis kadibna lagu toogtay.

C/fataax Xasan Afrax oo ah saraakiisha ku sugan magaalada Baladweyne oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Baladweyne ayaa sheegay in raga la dilay ay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo maalin ka hor kala wareegay ururka Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]com
[email protected]

3 COMMENTS

  1. hadii aanay dhicin isku duubni iyo isaaminaad ka timaadda hiiraan waxaad ku jiraysaan in ay idiin taliyaan dadka goboladda deriskiina ah iyo cadow sheeganayo magacyo kale waana dabar go,aysaan intaanay tasi dhicin inta caqligalahaay tashadda oo midooba adkaysta xaduudahiina la xisaabtama soomali cadkiina ka qaata u sheega anaan hiiraan la wada lahayn uma socotaan gobolo kalee maxaa kiina laga rabaa iswaydiiya taas

  2. waa qalad in dadka la dilaahi oo la dilo dad rakaab ah hadiiba ay jirto hadaanay jirina maba jirto lakiin waa la dilayaa shabaabka iyo cidii la shaqaynaysay sababtoo ah waxay sameeyeen wax caqliga aadanahu aanu qadan karin mana aha in ay sii jiraan oo la eegtaa waa in dadkaay la shahiidaan shabaabka ayagaa shahiid sheegi jiree waxaanan ku talinayaa in dooxadda juba ay la timaado maamul iyo hufnaan dadku ay u riyaaqaan

    • waxaan dadka reer baladweyne u soo jeedinayaa in ay isku duubnadaan oo ay ka tashadaan ayahoodda sida kuwa la midka ahi ugu tashadeen ayahoodda sidda walaalahoodda putland somaliland iyo kuwa kale ee la midka ah oo anay hiiran noqon nin bukaahi boqoli u talisay layska ilaaliyaa nacaska iyo shabaabka iyo waxa la midka ah oo aad ilaalisaan sharaftiina iyo karaamadiina

Comments are closed.