Dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo Galguduud iyo qeybo ka mid ah Hiiraan

Dhaq dhaqaaqyo iyo saan saan colaadeed ayaa laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolada Galguduud iyo Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunnada Galguduud iyo ciidamadi Itoobiyaanka ee daganaa duleedka Guriceel ay isugu tageen degmada Dhuusamareeb si ay u weeraraan magaalada Ceelbuur oo ah saldhiga ugu weyn Al Shabaab gobolka Galgudud.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Midnimo.com in maanta uu dhacay qilaaf dhex maray Ahlu Suna iyo Itoobiyaanka kadib marki maamulka Ahlu Suna ay ka codsadeen saraakiisha Itoobiya in ay u daayaan dagaalka Ceelbuur isla markaana ay siiyaan hub iyo madaafiic, laakin waxaa taasi diidan Itoobiyaanka.

Dhanka kale in ka badan 40 gaadiid oo ah kuwa Uralka milatariga Itoobiya ayaa usoo ruqaansaday dhinaca degaanka Halgan oo ah halka ugu danbeysa ee ay aag ka xirteen Al Shabab.

Wararki ugu danbeeyey waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay Baladweyne ay hada ku dhawyihiin deegaanka Garasyaani oo u dhaxeeya Baladweyne iyo Halgan.

Itoobiya ayaa shalay qabsatay magaalada Baladweyne, waxaana afhayeen u hadlay uu sheegay in aysan ciyoow ka bixi doonin dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]