Banadow xalay ka dhaqangalay B/weyne iyo howlgalo ay ciidamada ka sameeyeen

Bandoow ayaa xalay ka dhaqan galay magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan kaasi oo ay kusoo rogeen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Bandowga oo bilowday xalay 7:00 fiidnimo ayaa ku ekaa saakay salaadi subax, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo mar horeba ku xarooday guryahooda iyaga oo ka baqaya dhibaatooyinka ka dhasha xaaladaha kala guurka ah.

Dhanka kalana ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa xalay ka sameeyey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada iyaga oo qab qabtay shan ruux oo lala xiriirinayo in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabab.

Shanta ruux ayaa waxa ku jira dad lasoo farmuuqay oo loo sheegay ciidamada kuwaasi oo la shaqeynayey maamulki shalay magaalada laga qabsaday ee Al Shabab.

Xaalada ayaa saakay ah mid xasiloon waxaana dib u furmay iskuulada iyo goobaha ganacsiga inkastoo laga dareemayo magaalada saameynta ciidamada tirada badan ee ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

Shalay ayaa waxaa magaalada Baladweyn qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah kadib dagaal culus oo ay la galeen kuwa Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]