Ahlu Sunna oo weerar ku qaaday deegaanka deegaan u dhaw Dhuusamareeb

Dagaal ayaa xiligaan ka socdo deegaanka Bulacle oo qiyaasti 30-km dhinaca Ceelbuur kaga beegan degmada Dhuusamareeb

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Ahlu Sunna weerar ku qaaday fariisin ay Al Shabab ku lahaayeen Bulacle oo aheyd halki ugu soo dhaweyd Dhuusamareeb oo ay Shabaabku joogeen.

Lama oga qasaaraha dagaalka iyo sida ay hada wax u socdaan, hase yeeshee dadka deegaanada u dhaw dhaw Bulacle ayaa maqlaya daryanka madaafiic xoog leh oo la is weydaarsanaya.

Ahlu Sunna maanta ayey sheegteen in ay weerarayaan Ceelbuur iyaga oo ka codsaday ciidamada Itoobiya ee jooga Galguduud in ay ka saacidaan dhinaca hubka.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com