Wararki ugu danbeeyey ee dagaalka Baladweyn iyo qoysas badan oo durbaba barakacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalada saakay ka socda duleedka magaalada Baladweyne kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya Itoobiyaan iyo dagaalyahanada Al Shabab.

Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, waxaana ciidanka dowlada ay si buuxda gacanta ugu dhigeen garoonka diyaaradaha Ugaas Qaliif iyo deegaanka Ceelgaal.

Qoysas badan ayaa saakay ka barakacay xaafadaha bari ee magaalada kuwaasi oo ka baqaya in ay ku waxyeeloobaan dagaalada, dadka ayaa intiisa badan u barabaxay deegaanada u dhaw dhaw magaalada.

Afhayeenka ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan, Maxamuud Nuur Cagajoof oo goor dhaweyd la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalada balse uu wali socdo dagaalka.

“Dagaalka wuu socdaa magaalada ayaana ku dhawnahay waxaan qabsanay Eraboorka ilaa waadiga Carar ilaa Jante Kuwiindishe, nimankaasi waan laayenay, go,doon ayey ku jiraan mar dhawna waan soo afjareynaa dagaalka waxaana ku dhawnahay caasimada gobolka Hiiraan,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey ciidamada Itoobiya ee dagaalka xoogiisa wada ayuu ka gaabsaday balse wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo la dagaaleysa Al Shabab.

Dadka magaalada Baladweyne oo intiisa badan hada ku sugan xaafadaha ayaa aad u maqlaya daryanka madaafiicda taasoo dhinacyada magaalada qaar kusoo dhacaya.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]