Dagaal xoog leh oo ka socda duleedka Baladweyn

Dagaal u dhaxeeya ciidamado taabacsan dowlada KMG oo kaashanaya Itoobiyaan iyo ururka Al Shabab ayaa saakay ilaa iyo xiligaan ka soconaya duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ka socdo sadex jiho ayaa bilowday saakay 5:00 aroornimo waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo wata taangiyo ay qeyb ka yihiin.

Meelaha uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha, Buurta Qowleed, Waadi Carar iyo Jante Kuwidishe oo dhamaantood 5 ilaa iyo 8-km u jira magaalada Baladweyn.

Madaafiicda BM-ka ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceyso magaalada taasi oo keentay dadka ay aad uga naxaan bilaabaana in ay ka cararaan xaafadaha u dhaw dhaw dhinaca bariga magaalada.

Al Shabab ayaa hada kasoo baxay dhifeysyadi ugu danbeeyey ee ay uga jireen duleedka fog ee magaalada iyaga oo difaacyo ki xirtay koonaha magaalada sida ay sheegayaan dad goob joog ah.

Dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa xiran dadkuna waxay ka shaki qabaan in dhinacyada dagaalamaya ay gudaha magaalada isla soo galaan.

Ma jiro wali cid ka hadashay oo labada dhinac ah, balse waxaa laga yaabaa in saacadaha soo aadan ay labada dhinac war kasoo saaraan.

Wixi kusoo kordha kala soco.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]