Barekat Semon: Tiro lixaad leh oo mas,uuliyadooda gudan kara ayaan u dirtay Beledweyne

Afhayeenka dowlada Itoobiya Barekat Semon ayaa sheegay in ay ka qeybgaleen dagaalki maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ciidamo xoog leh oo Itoobiyaan ah.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu ku sheegay in uusan sheegeynin tirada ciidamada Itoobiya ee dagaalki maanta ka qebgalay, waxaase uu muujiyey in ay yihiin kuwo lixaad leh mas,uuliyaadna gudan kara.

“Makuu sheegi karo tirada aan u dirnay Soomaaliya, balse waxaan kuu muujinayaa inay tahay ilaa xad tiro lixaad leh oo mas,uuliyadooda gudan kara,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey in howlgalkaan ay Itoobiya dana gaar ah ka leedahay iyadana ka danbeyso ayuu taasi ku tilmaamay wax aanan jirin, isaga oo sheegay in dowlada KMG ay iyadu majaraha u heyso howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

“Xaqiiq ahaan TFG waxay bilowday howlgal ay ku qaadeyso Al Shabab si ay wax uga qabato Al Shabab gargaarkana loo gaarsiiyo deegaanada dalka oo dhan, TFG ayaa howlgalka bilowday oo si joogta ah ula dagaalameysay Al Shabab, balse furimaha aan naloo xilsaaray sidi aheyd ayaan wax uga qabanay,”

Ugu danbeyntiiba afhayeenka dowlada Itoobiya ayaa cadeeyey in aysan dooneyn in mudo dheer ay sii joogaan dalka Soomaaliya, dagaalka ay hada wadaana uu raali ka yahay Mareykanka.

“Taariikhda dhow ayaa marqaati ah mudada aan sii joogi doono, Itoobiya ayey ku xirantahay rabitaankeeda marka Soomaaliya wax badan masii joogi doono, dhab ahaantiina arimaha guud ee dhinaca amniga ee gobolka waa mid waafqasan caalamka, marka Mareykanka dan wadaag ayaan ka nahay arrimahaan,” ayuu yiri.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka helyno Baladweyne waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay laba isu qeybiyeen qeyb soo aaday wadada aada Halgan iyo qeyb u jiheysatay Matabaan kuwaasi oo la sheegayo in ay doonayaan ay gaaraan degmada Ceelbuur.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]