Shaqaalihi MSF ee shalay lagu dilay Muqdisho oo meydadkooda loo duuliyey maanta Nairobi

Laba ka mid ah shaqaalaha hey’ada MSF oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa meydadkooda maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay MSF ayaa lagu sheegay in diyaarad gaar ah ay ka qaaday Jimcihi maanta garoonka diyaaradaha Adan Cade ee Muqdisho meydadka laba ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay shalay Soomaaliya.

Philippe Havet, oo ahaa 53-jir u dhashay Belgium iyo Andrias Karel Keiluhu oo ku magac dheeraa Kace oo ahaa 44-jir u dhashay dalka Indonesia ayaa waxaa ku toogtay xafiiska MSF ee Muqdisho nin ka tirsanaa saraakiisha hey’ada oo dhawaan shaqada laga ceyriyey.

Dhanka kale war goor dhaweyd kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cadaalada lagu soo taadi doono ninka gacan ku dhiiglaha ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan ninka gacan ku dhiiglaha oo uu ku sifeeyey nin aqoon leh oo ku hadli kara luqado dhowr ah, balse ay baarayaan sababta maxkamadna lasoo taagi doono.

Ninka gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegayaa in dhawaan shaqada laga ceyriyey  isaga oo kadibna weeraray labada mas,uul ee ka tirsanaa hey’ada MSF.