Muuqaalka xarunta hey’ada MSF ee shalay lagu dilay shaqaalihi ajnabiga ahaa

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaa sheeda ka eegayey maanta muuqaalka xarunta hey’ada MSF ee shalay lagu laayey laba ka mid ah shaqaalaheeda oo ahaa laba nin oo u kala dhashay dalalka Belgium iyo Indonesia.

Xaruntan oo ku taala wadada labaad ee Zoobe isla markaana uu mar daganaan jiray xildhibaan C/raxmaan Janaqoow ayaa waxaa ay u kireysneyd hey’ada MSF oo dawooyin ku siin jirtay dadka halka qeyb ka mid ahna ay u aheyd goob caafimaad oo lagu daweeyo caruurta.

Nin ka mid ahaan jiray madaxda hey’ada MSF Belgium qeybteeda Soomaaliya ayaa ku weeraray bistoolad ragaan ajnabiga ahaa isaga oo goobta ku dilay laba ruux sidoo kalana dhaawacay qaar kale oo u badnaa Soomaali.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo galabta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyey falkaasi.

C/wali Gaas waxa uu tacsi u diray dowladdaha Beljim-ka iyo Indonesiya isaga oo uga tacsiyadeeyey dilka samafalayaashaasi lagu dilay Muqdisho una dhashay dowladdahaasi oo u shaqeynayay hay’adda MSF, wuxuuna muujiyay in dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba ay aad uga xunyihiin dhimashada samafalayaashaasi.

Maanta ayaa meydadkooda laga duuliyey magaalada Muqdisho si loo geeyo magaalada Nairobi oo loogaga sii qaadi doono dalalka ay kasoo jeedaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]