Duyaarado duqeeyey deegaan u dhaw magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in laba diyaaradood ay saacadihi lasoo dhaafay duqeymo u geysteen deegaanka Shimbiraale oo ka tirsan magaalada Kismaayo.

Duqeymaha oo aanan la ogeyn cida geysatay ayaa la xaqiijiyey in lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay  Al Shabab ku lahaayeen deegaanka Shimbiraale oo qiyaasti 60-km u jiro magaalada Kismaayo.

Wararka waxay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhinteen 7 ruux oo ka tirsan Al Shabab kuwaasi oo ay ku jireen laba sarkaal, waxa kale oo gantaalada ka imaanayey diyaarada ay ku dhaceen baabuur waday dhuxul kaasi oo sida la sheegay gubtay.

Dhanka kale, milatariga Kenya ayaa xaqiijiyey in hal askari uu kaga dhintay weerar ay ciidamadooda ku qaadeen maalin ka hor fariisin ay Al Shabab ku lahaayeen duleedka Qooqaani, iyaga oo dhanka Shabab ku sheegay in ay ka dileen dhowr dagaalyahan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabab oo ku aadan sheegashada ciidamada Kenyaanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]