Faah faahin dheeri ah oo kasoo baxday shaqaalihi ajnabiga ahaa ee galabta lagu dilay Muqdisho

Faah faahin ayaa kasoo baxday weerar galabta lagu dilay laba shaqaalo ajnabi ah oo ka tirsanaa hey’ada MSF Belgium.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada xarun ay hey’ada MSF ku laheyd agagaarka isgoyska Zoobe ay dileen laba dhaqtar oo ka mid ahaa dhaqaatiirta aanan xuduuda laheyn.

“Laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo ajnabi ah ayaa lagu dilay xafiiskooda dhexdiisa, waxaana xogta ku helnay inuu ka danbeeyo nin ka tirsanaa shaqaalaha dhinaca amaanka ee xarunta,” sidaa waxaa yiri Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha amaanka ee dowlada KMG Soomaaliya.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in mid ka mid ah uu isla goobta ku dhintay halka dhaqtarka kale uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Ma cada waxa ka danbeeya falkaan balse waxaa loo maleynayaa inuu doonayey inuu afduubto, waxaana rasaas kala hor tagay ciidamada ilaalada ka hayey ee iyana ku sugnaa goobta.

Weerarkan lagu dilay shaqaalahan gargaarka ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee lagu beegsado samafalayaasha ka shaqeeya Soomaaliya, todobaadki hore ayaa lagu dilay bartamaha Soomaaliya sadex nin oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen shaqaalaha hey’ada WFP.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]