Ciidanka nabadsugida oo gacanta ku dhigay ninki dilay shaqaalaha hey’ada MSF ee ajnabiga ahaa

Ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dilay mid ka mid ah shaqaalaha ajnabiga ah ee Hey’ada MSF ka jooga Muqdisho isla markaana si xun u dhaawacay mid kale.

Ninkan oo ahaa madaxii qeybta adeega iyo qalabeynta xarunta MSF Belgium ay ku leedahay isgoyska Zoobe ayaa toogtay madaxi qeybta mashaariicda ee MSF oo lagu magacaabo Philip kaasi oo u dhashay dalka France iyo Mr Keyse oo la sheegay inuu yahan Indonesian oo laakin dhaawac ah.

Taliyaha ciidamada danbi baarista dowlada KMG Soomaaliya Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyaasha Muqdisho in ninka toogashada geystay uu ahaa nin shaqada laga buriyey kana mid ahaa mas,uuliyiinta qeybta lojistikada.

“Ninka wuxuu ku hubeysnaa bistoolad waxaa naloo sheegay inuu saf geliyey shaqaalaha aad ayey u aheyd wax naxdin leh oo aan la yaabnay, kadibna toogasho ayuu bilaabay,” ayuu yiri Mr Bariise.

War kasoo baxay MSF ayaa lagu xaqiijiyey in la weeraray mid ka mid ah xarumo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, laakin meysan faha faahinin qasaaraha loo geystay shaqaalahooda.

Ciidanka nabad sugida dowlada oo goobta gaaray iyada oo ay rasaas ka socotay ayaa la sheegay in ay qabteen ninka kadibna u kaxeystay xaruntooda ugu weyn ee ku taala ka soo horjeedka Hotel Saxafi.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan ay si weyn u maamusho dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]