Qaraxyo lala beegsaday maqaayado ku taal Gaarisa

Afar ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen laba qarax ka dhacday maqaayado laga cunteeyo oo ku yaala magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

Qaraxyada oo loo adeegsaday bambo gacmeed ayey boolisku ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan Al Shaba, waxaana dadka ku dhaawacmay oo ahaa rayid loo qaaday goobaha caafimaadka.

 

Kan hore wuxuu ka dhacay maqaayada caanka ah ee Florida Hotel taasi oo afar km u jirto magaalada, sida saraakiishu ay sheegeen qaraxa waxa lala rabay in lagu tuuro gudaha oo ay dad badani ku sugnaayeen laakin wuxuu ku dhacay halka laga galo.

 

Qaraxa labaad ayaa lala damacsanaa sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta, waxaase wararku ay sheegayaan in uu ka badbaaday.

 

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baaritaano laakin wali ma jirto cid ay u qabteen weerarkaasi.

 

Weerara noocaan oo kale ah ayaa kusoo badanayey baryahan magaalooyinka ku yaala xadka Soomaaliya ee Kenya, waxaana dhamaantood sheegtay Al Shabab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

 

[email protected]