Gudoomiyaha baarlamaanka oo Muqdisho kusoo laabtay

Xilli uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran ayuu maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka ay sheegeen in ay ka qaadeen guddoomiyanadiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamanka waxana uu mar kale ku celiyey in ay sharci darro tahay tallaabada ay ku dhaqaaqeen qaar ka tirsan baarlamaanka.

 

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan oo isla maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay safarkii uu ka tagay dalka Talyaaniga, isagoo sharci darro ku tilmaamay kulankii Baarlamanka iyo xil ka qaadistiisiiba.

 

Guddoomiyaha barlamanka ayaa cadeeyey in uu dhawaan dhici doono kulan ay u dhanyihiin dhamaan mudanayaasha baarlamanka.

 

Dhowaan ayaa xubno ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka waxa ay sheegeen inay xilkiika qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka isla markaana shaqadii ka joojiyeen guddoomiye kuxigeenkii baarlamaanka Soomaaliyeed.

 

Muranka ka dhax taagan mudanaayaasha baarlamaanka ayaa qalqal geliyey arrimihii siyaasada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]