Gudoomiyaha baarlamaanka oo Muqdisho kusoo laabtay

Xilli uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran ayuu maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka ay sheegeen in ay ka qaadeen guddoomiyanadiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamanka waxana uu mar kale ku celiyey in ay sharci darro tahay tallaabada ay ku dhaqaaqeen qaar ka tirsan baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan oo isla maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay safarkii uu ka tagay dalka Talyaaniga, isagoo sharci darro ku tilmaamay kulankii Baarlamanka iyo xil ka qaadistiisiiba.

Guddoomiyaha barlamanka ayaa cadeeyey in uu dhawaan dhici doono kulan ay u dhanyihiin dhamaan mudanayaasha baarlamanka.

Dhowaan ayaa xubno ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka waxa ay sheegeen inay xilkiika qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka isla markaana shaqadii ka joojiyeen guddoomiye kuxigeenkii baarlamaanka Soomaaliyeed.

Muranka ka dhax taagan mudanaayaasha baarlamaanka ayaa qalqal geliyey arrimihii siyaasada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]

1 COMMENT

  1. Waxaan sugnaaba waa Rigooreyaasha loo dhigi doono Xariif Sakiin iyo Shariif Adgaduud ay Gool Hayeyaashoodu yihiin Meles Zenaawi iyo Musavevi, Shacabka Somaliana ay ka yihiin Daawadeyaal, Xildhibaan ku sheegyadana ay yihiin kala taageereyaal.

    Dagaalka u dhexeeyo Laba Xariif waa dagaal u dhexeeyo Ethiopia iyo Uganda , mana noqon karo mid guushiisa ay ku xiran tahay Somalidu haddii aysan joojinin u kala safashada Labadaan Mujrimiin oo Dalka iyo Dadkaba ka iibiyeen Laba Dawladood oo Afrikaan ah, kana liidan jireen weligood Somalida.

    Ilaaheey waxaan Somalia uga baryeynaa inuu si deg deg ah uga qabto Labadaan Xariif Tuugada ah, Ummaddiisana garan siiyo Xaqqa , kuna beero niyad iyo rabitaanka Xaqqaa iyo la dagallanka Dulmiga ku gaamuurey Somalia , una horseedey Dalkaan iyo Dadkiisa Halaag iyo Baa ba’.

Comments are closed.