Al Shabab oo Jabuti uga digtay in ay ka qeybqaadato howlgalka AMISOM

Iyadoo diyaargarowgi ugu danbeeyey ay ku jiraan in ka badan 900 oo askari oo ay dowlada Jabuti ugu tala gashay in ay usoo dirto Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi ka digay ururka Al Shabab.

Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo shalay gelinkii dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Jabuuti ay cadeysatay ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya iyo duulaanka ay garabka ku siineyso reer galbeedka.

“Markii hore anaga waxaa aad noo dhibayay saldhigyada ay Jabuuti siisay reer galbeedka iyo diyaaradaha ka soo kacayay ee dadka jahwareeriyay, soomaaliya meelo ka mid ah duqeynta ka geysatay, hada waxaas oo dhan waa cadeysatay”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay inay Jabuuti ula dagaalamayaan hadii ciidan keento Soomaaliya, sida ay ula dagaalameen Uganda iyo Brundi, isagoo shacabka Jabuuti ugu baaqay in aanay wiilashooda u soo diran.

“Waxaan leeyahay wiilashiina kama duwana kuwa Uganda iyo Brundi ee halkan xabaashooda noqotay, waxaa noqon doonaan kuwiina xaabo dab la saaray, inta goori goor tahay ka digtoonaado, hadhow inta aadan shalynin oo wiilashooda oo meydadkooda halkan xabaal u ah la arkin”ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa sheegay in sideeda boqol askari ay jabuuti soo direyso aysan waxba ka duwanaan doonin kuwa Ciidamada dowladda ee lagu soo tababaray dalalka Uganda, Brundi iyo Jabuuti.

Hadalka Afhayeenka Shabaab ayaa imaanaya xilli Jabuuti shaacisay in ciidamo soo direyso maalmaha soo socda si ay ugu biiraan howl galka nabad ilaalinta Amisom.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]