Ururuka HAYA oo abaal marino gudoonsiiyay shaqsiyaad Soomaliyeed

Ururuka HAYA ee ka dhisan Dalka Britian ayaa qabatay Xafaladii sanadlaha ahaa ee Sanad weliba Bulshada Soomaaliyeed Shaqsiyaadkeeda waxtarka leh lagu guddoon siinaayay Abaal marinta Sanadka, iyadoona Sanadkaan Shaqsiyaad fara badan la guddoon siiyay Abaal marinta HAYA.

Shaqsiyaadka Sanadkaan Abaal-marinada helay ayaa isugu jiray qabaha Bulshada kuwooda wax qabadka lagu amaanay iyadoona qeybaha Warfaafinta ay door weyn ku lahaayeen Abaal marintaan Sanadkaan ee HAYA.

 

Shaqsiyaadka Sanadkaan Abaal-marinada helay ayaa waxaay kala ahaayeen qaybta farshanka Amir Artis,  qaybta fanka  Nimco Yasiin Caraale , C/rasaaq Gaadaco iyo Nuur Daalacayo, dhanka warbaahinta waxaa abaal marinta la sii yay Tvga Somalichenel barnaamijka dhacdooyinka wariye xasan Cade, Tvg HCTV barnaamijka subax wanaagsan iyo websiteka sanadaka Oodweynenews

 

Farshaxaniistaha Caanka ah AMIN AMIR “Amin Arts” ayaa la guddoon siiyay Abaal marinta Sanadka ee farshaxaniistaha Soomaaliyeed, asigoona lagu amaanay Cartoomada uu ka sameeyo marxalada kala gedisan ee dalka Soomaaliya.

 

Amin ayaa lagu amaanay sida wanaagsan ee uu mar waliba usoo bandhigo Cartoomada ka turjumaya marxalada uu hadba markaasi marayo dalka Soomaaliya, iyadoona Cartoomadiisa ay ka mid yihiin Warbaahinta Aamusan balse sida weyn wax u iftiimisa.

 

Inkastoo AMIN AMIR uusan ku sugneen xilliga Abaal marintaasi la guddoon siinaayay Ayaa hadana waxaa wakiil u ahaa oo Abaal marintaasi u guddoomay Eng. Baana Ali Abdalla oo xafaladaasi Wakiil ugu ahaa Farshaxaniiste Amin Amir.

 

Hey’ada HAYA ayaa ah Hey’ad Sanad Waliba bixiso Abaal marino qaali ah kuwaasi oo lagu abaal mariyo shaqsiyaadka wax tarka u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku yimaada codka Bulshada.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]