Sh. Xasan oo markii ugu horeysay hadlay kadib xil ka qaadistii (Dhageyso)

Afhayeenka baarlamaanka ayaa si kulul uga hadlay xil ka qaadisti lagu sameeyey.

Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu ku eedeeyay shaqsiyaad fowdiista ah inay Baarlamaanka mushikad ka dhex wadaan, isagoo tilmaamay in hab sharci ah aan loo marin qaabka ay xil ka qaadista u sameeyeen Xildhibaanada.

“Ninkii xil loo dhiibay waa laga qaadi karaa, laakiin mushkilada jirta waxa waaye in loo helo hab looga qaadi karo, asbaab iyo sabab la helo, aniga ma dhihi karo shir ay yeesheen xubno baarlamaanka ka tirsan, sababtoo ah Baarlamaanka in la balamiyo, Gudoonka ama wixii joogo uu balamiyo”ayuu yiri Shariifka oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.

“Koox ama Group ama shaqsiyaad inteey is aruursateen albaabka banaankiisa tuurteen oo ay jabsadeen inay hadana yiraahdaan waxbaa sameynay taas waa wax kama jiraan ah, Baarlamaanka labo boqol iska dhaafee, boqol xataa ma joogin, xildhibaanada waa la is yaqaanaa”ayuu si kulul u yiri Shariif Xasan oo ka jawaabayay su’aal aheyd in Xildhibaanada xilka ka qaaday ay tiradooda aheyd 283-xildhibaan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in Group diidan Road Map-ka iyo horumarka Dowladda ay doonayaan inay dalka rakaato ku heystaan, isagoo cadeeyay in dadkaas la yaqaano lana dhihi karo hebel iyo hebel, waxa kale oo uu ku tilmaamay danbiilayaal.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka meer meeray sida uu u arko qoraalkii madaxweynaha ee uu shalay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan qilaafka baarlamaanka, laakin marki danbe ayuu sheegay in uu dhan u jan jeeray.

Gaba gabadi Shariif Xasan oo hada ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay in uu maalmaha soo aadan kusoo laaban doono magaalada Muqdisho.

Dhageyso Wareysigii G. Barlamanka Shariif Xasan

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]