Maxay kaga hadleen Golaha Wasiirada Shirkoodii Khamiislaha

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal saxaafadeed ku aadan shi ay maanta Muqdisho ku yeesheen.

GolahaWasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaaiyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ayugu horeysay xoojinta Amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, WaxqabadkaXukuumada, Miisaaniyad sanadeedka, Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu kadhoco Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.

Ugu horeyntiishirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga magaalada Muqdishoiyadoo hay’addaha Qaabilsan amniga ay sheegeen in Amniga Muqdisho uu ka sooreynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lalabeegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeenqaraxyo iyo Miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladdaiyo shacabkaba.

Sidoo kale, madaxdaAmnigu waxay xuseen howlgalo ay sameeyeen ciidamada Amaanku inay ku sooqabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Amni xumida. waxaynatilmaameen inay dadkaasi ku jireen kooxo burcad ah oo dadweynaha dariiqyada uistaagayay kuwaasoo ka dhacayay Mobile-lada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee aywataan.

Sidoo kale,Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay Miisaaniyada sanadka 2012-ka iyadooay Miisaaniyadan xooga ay ku saartay Wasaaraddu sidii loo yareyn lahaa kutiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, xooggana loo saari lahaa ku tashigadakhliga gudaha iyo canshuuraha Berriga.

Sidoo kale, golahaWasiirada waxay ka hadleen waxqabadka Wasaaradaha iyadoo Wasaarad kastana aysharaxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee la soo dhaafay, Ra’iisulWasaaraha ayaa u sheegay Wasiirada in Wasaarad kasta qiimeyn lagu sameyn doonowaxqabadka iyo horumarkeeda laguna abaal marin doono.

Dhinaca kale,Golaha Wasiiradu waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaaladaGarowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyey inshirkaasi ay si wanaagsan u socoto qaban qaabadiisa isla markaana qabsoomidoono.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]