Al Shabab oo heshiis la galay beesha Maxamuud Hiraab

Xarakada Al Shabab ayaa sheegtay in ay heshiis jihaad xoojin ah la galeen mid ka mid ah beelaha dega Galguduud.

Kulan ay shalay ku yeesheen gobolka Galguduud Odayaasha beesha Maxamuud Hiraab iyo saraakiil ka tirsan Al Shabab ayey kasoo saareen qodobo ah in beeshaasi ay ku taageertay Al Shabab dagaalada ay ku jirto.

Gudoomiyaha gobolka Galguduud ee ururka Al Shabab Sheekh Cawaale Maxamed Cali oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay ugu baaqay odayaasha kasoo jeedo beeshaasi in ay ku biiraan dagaalka si ay ugu dhiiradaan dhalinyarada.

“Kulankeena waa howl iniga wada dhaxeyso, odayaasha waxaan ka rabnaa in aan diinta xoojino oo aan safka hore galno, mar hadii ay odayaasha galaan dagaalka inta kale wey ku dayanayaan, marka ILAAHEEY wuxuu na amray in jihaadka aan ku bixino maal iyo naf marka aan lacagta ku bixino jihaadka,” ayuu yiri.

Bishi November ayey Al Shabab sidaan oo kale u shaaciyeen in ay heshiis la galeen beesha Cayr, hase yeeshee waxaa taasi diiday qaar ka mid ah odayaasha beeshaasi oo beeniyey heshiiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]