Ahlu Suna oo hor marineyso siyaasadeeda dibada

Ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay hagaajinayaan siyaasadeeda dibada.

 

Gudoomiyaha Golaha Maamulka Xirsi Maxamed Hilowle (Laba Garre) oo hada socdaal ku maraya dalka Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta magaalada Muqdisho in ay Ahlu Sunna ku dadaaleyso sidi ay isu muujin laheyd isla markaana ay uga qeyb gali laheyd dib u xasilinta dalka.

 

Laba Garre wuxuu sheegay inuu la kulmay jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool gobolada dalka Mareykanka kuwaasi oo uu sheegay in ay kala hadleen ahmiyada sidi ay u taageeri lahaayeen maamulka Ahlu Sunna.

Wuxuu ka hadlay cilaaqaadka ka dhaxeeya dowlada, isaga oo tilmaamay in dowlada ay jabisay heshiiski ay hada ka hor kala saxiixdeen ee awood qeybsiga ahaa.

 

“Dowlada heshiiski aan la galnay iyada ayaa burisay, ma aheyn awal in anaga aan u baahneyn waayo ma aheyn dowlad awood laheyd, heshiiski iyada ayaa ka baxday,”

Ugu danbeynti wuxuu ku cel celiyey in Ahlu Sunna aysan aheyn dowlad goboleed balse ay tahay maamul goboleed.

“Dowlad goboleed ma nihin ee waxaanu nahay maamul goboleed, waxaanu ka mid nahay qaranka Soomaaliya waxaanuna nahay qeyb ka mid ah xoogaga dalka ka jirta oo raba soo celinta nabada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Ahlu Sunna ayaa hada ka taliso degmooyin ka mid ah gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]