Xildhibaanada oo saakay kulan leh Muqdisho

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay kulan muhiim ah ku leh Guriga Umada ee magaalada Muqdisho xilli shalay ay xilki ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka.

 

Kulanka saakay oo uu marki ugu horeysay shir gudoomin doono xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo si KMG ah ay shalay u doorteen 283 xildhibaan ayaa waxaa loogaga hadlayaa ajandayaashi qabyada u ahaa ee baarlamaanka.

 

Xildhibaan Cali Seeko oo saakay wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid muhiim u ah xildhibaanada, waxa kale oo uu sheegay in ajandayaasha ay yihiin kuwo horay ugu yaalay baarlamaanka.

 

Kulankaan ayey dadku indhaha ku wada hayaan iyo sida uu u qabsoomi doono, waxa kale oo la sugayaa bal in ay fariisan doonaan oo ay ka qeybgali doonaan gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

 

Shalay ayey xildhibaanadaani kaga dhawaaqeen magaalada Muqdisho in ay xilki ka qaadeen gudoomiyihi baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Adan.