Mudanayaasha baarlamaanka oo gacmaha isula tagay maanta

Xildhibaanada baarlamaanka KMG ayaa maanta isu gacan qaaday kadib marki ay kulanki maanta isla soo xaadireen mudanayaal kala taageersan afhayeenka baarlamaanka iyo xildhibaan Madoobe Nuunoow oo shalay loo doortay shir gudoon cusub.

Kulanki maanta ay ku lahaayeen Guriga Umada ee xarunta baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday dagaal iyo buuq, ka gadaal marki ay gacmaha isula tageen mudanayaashi shalay xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka iyo qaar taageersan.

Shaqaaqada ayaa bilaabatay wax yar kadib marki uu goobta soo galay ku sigeenka gudoomiyaha baarlamaanka C/wali Sheekh Muudeey oo ay la socdeen qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Adan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa isku dayey inuu koro kursiga shir gudoonka oo uu xiligaasi ku fadhiyey Madoobe Nuunoow oo ay shalay xildhibaano gaarayey 283 mudane u doorteen shir gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Intaasi kadib waxaa bilowday buuq kadibna waxaa xigay feer iyo laad ay isku qaad qaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada, waxaana uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi xildhibaanada qaarkood.

Ma jirin cid kala dhex gashay waxaana arintu ay u dantay si iskeed ah, inkastoo marki danbe uu ka baxay goobta gudoomiye ku xigeenka koowaad.

Arintaan ayaa ah qas iyo qalaanqal mar kale soo hardiyey baarlamaanka Soomaaliya oo loogaga bartay qilaaf.