Diyaarad nooca is wada oo ku dhacday Seychelles

Diyaarad Drone ah oo Mareykanka ugu tala galay Somalia ayaa ku dhacday dalka Seychelles oo ah dal ku yaala Bad weynta India.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradani ay dhacday wax yar ka hor inta aysan caga dhigan, waxaana ay ka bur burtay garabka iyo qeybha hore.

Diyaaradaan ayaa qeyb ka aheyd laba diyaaradood oo uu Mareykanka dhawaan sheegay inuu kula dagaalami doono Al Shabab iyo dagaalyahanada kale ee Al Qacida ee jooga Soomaaliya.

Burburka ku yimid diyaaradaan oo nooceedu ahaa MQ-9 Reaper ayaa imaanaya laba todobaad kadib marki diyaarad kuwa is wada oo Mareykanku leeyahay ay dhulka soo dhigtay dowlada Iran.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay diyaaradani ku dhacday jasiirada Seychelles ee badweynta India oo ah dal si rasmi ah ugala shaqeeya howlaha la dagaalanka argagixisada Africa in ay lahaayeen ciidamada cirka Mareykanka oo aysan laheyd CID-da.

Afhayeen u hadlay milatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarada oo Salaasadi dhacday ay dhulka ku dhacday xilli ay dageysay isla markaana aysan jirin cid ay wax yeelo kasoo gaartay.