C/wali Muudey: Madaxweynaha ha cadeeyo mowqifkiisa

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa ka codsaday madaxweynaha in arinta uu soo dhex galo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada wax yar kadib marki uu kasoo baxay Guriga Umada oo ay xildhibaanada gacmaha iskula tageen, ayuu Mr Muudeey si kul u sheegay in waxa dhacayo aanan loo dul qaadan karin.

Waxa uu ka codsaday madaxweynaha inuu ka hadlo arintan isla markaana kala cadeeyo mowqifkiisa ku aadan shidada iyo qilaafka ka taagan baarlamaanka oo laba u kala qeybsamay.

Mr Muudeey wuxuu ku tilmaamay gacan ka hadalka dhax maray baarlamaanka wax aad looga naxo, waxa uu ku eedeeyey xildhibaanada kasoo horjeedo afhayeenka baarlamaanka kuwo baalmarsan sharciga.

Hadalkiisa wuxuu ka danbeeyey marki xildhibaano kala taageersan Shariif Xasan iyo qaar kasoo horjeedo ay gacanta iskula tageen magaalada Muqdisho.

Ma jirto wali wax war ah oo uu kasoo saaray madaxweyne Sheekh shariif oo ku aadan arrinta baarlamaanka.