Ciidanka Kenya oo horay u dhaqaaqayo

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay gudaha u gali doonaan deegaanada ay Shababka maamulaan.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay deegaanka Raas Kambooni Maxamed Ibrahim Farax oo ah afhayeenka ciidamada dowlada ee la socda kuwa Kenya ayaa sheegay in dhamaadka bishan ay qorsheynayaan in ay horay u dhaqaaqaan.

 

“Waxaanu dooneynaa in aan horay ugu dhaqaaqno deegaanada ay joogaan Al Shabab todobaadkaan gudahiisa, waxaa jira dhibaatooyin badan oo ka yimid roobka meel kasta biyo ayaa ceegaga mana jirto meel aan ka baxno,” ayuu yiri.

 

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka da,ay roobab mahiigaan ah taasi oo cuuryaamiyey howlgalki ciidamada Kenya ee ka dhanka ahaa Al Shabab, hase yeeshee hada waxay u muuqataa in laga baxay xilligii roobka.

 

Wariyaal ajnabi ah oo shalay ciidamada Kenya geeyeen deegaanadi ay qabsadeen ee Jubada Hoose ayaa sheegay in dhirtu ay cagaaratay dhulkana ay ku jiraan biyo, laakin wadooyinka waxay leeyihiin hada way qalalayaan.

 

Ciidamada Kenya ayaa hada waxa ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada J/hoose iyo Gedo, waxay joogaan mudo sideed todobaad ah.