Guddoomiyaha Guddiga la tashiga iyo qabanqaabada shirweynaha Dowld goboleedka Banadir

Guddoomiyaha Guddiga la tashiga iyo qabanqaabada shirweynaha Dowld goboleedka Banadir State Md. Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo ay wehliyaan 16-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan qabashada shirweyne lagu dhisaayo dowlad goboleedka Banadir State oo ku beegneyd 14-kii bishaan oo ay Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ay ku hor istaagtay qabashada shirkaas.

 

Muxudiin Xaaji Maxamed Ibraahim oo maanta shir jaraa’id arrintaas ka qabtay ayaa wuxuu ku faahfaahiyay qaabkii uu u dhici lahaa shirweynahaas, kaasi oo lagu waday inuu furmo 13-kii bishaan ilaa 15-ka bishaan uu socdo si loogu dhawaaqo dowlad goboleedka lagu magacaabo Banadir State oo ay ku bahoobeen saddexda gobol ee kala ah Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Banadir si waafaqsan axdiga Federaalka KMG ah qodobkiisa 11aad Lambarkiisa labaad xarafkiisa B sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen guddigaas.

Guddoomiye Muxudiin waxa uu sheegay in arrintaasi qabashadeeda ka sokow ay nasiib darro noqotay in howshaas ay si cad uga hor istaagtay Wasaaradda arrimaha iyo amniga Qaranka oo amar ku siisay Hay’adaha amniga iyo duqa magaalada Muqdisho inay joojiyaan shirkaas lagu dhisi lahaa dowlad goboleed, iyadoo marmarsiinyo ka dhigatay saddex arrimood oo uu sheegay inaysan ahayn sababo macquul ah oo lagu joojin karo shirweyne dastuuri ah.

 

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha guddiga la tashiga iyo qabanqaabada shirweynaha lagu dhisaayo dowlad goboleedka Banadir State oo ka kala socday saddexda gobol oo ka kooban 16-gobol markii ay derseen qoraalkii lagu amray joojinta shirweynaha kana soo baxay xafiiska Agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha tirsigiisana uu ahaa WAG&AQ/365/11 ee 12/12/11.

 

Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in ay si buuxda ugu wargelineyso bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan mandiqadaan ee u wakiishay howlahaan taasoo lagu sameeyay hor istaag iyadoo ay xaq u leeyihiin go’aan ka qaadashada arrimaha noocaas oo kale ah, sidoo kale shirka jaraa’id waxaa lagu sheegay in guddigu furanayo dacwad si loo hor geeyo maxkamadda dastuuriga ah oo loogaga cabanayo xadgudubka lagu sameeyay.


Warqadda codsiga Dowlad goboleedka Banadir State u gudbiyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka hoos ka aqriso


Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]