Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo booqday Djibouti

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Leon Panetta aaya maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti oo uu ku yaalo saldhiga ugu weyn ciidamada Mareykanka ee Geeska Africa.

Hadal uu wariyaasha ku dhex siiyey diyaarad dhexdeeda ayuu ku sheegay in Mareykanka uu usoo jeestay sidi uu diirada u saari lahaa la dagaalanka Al Qaacidada Soomaaliya, Yemen iyo Waqooyiga Africa.

Panetta wuxuu tilmaamay dadaalka uu Mareykanka ugu jiro sidi uu ula dagaalami Al Qaacidada Geeska Africa in uu ku tiirsanyahay dowlada aadka u yar ee Djibouti oo Mareykanku ka dhigtay saldhig ay kasoo duulaan dyaaradaheeda Drone-ka ee is wada iyo gantaalada.

“Hadafkeenu waa in aan xaqiijino meel walbo oo ay aadaan in aan uga daba tagno waa in ay waayaan meel ay ku dhuuntaan si aysan u hor marinin qorsheynta weeraro ay anaga dalkeena ku beegsadaan,” ayuu yiri Panetta.

Waxa kale oo uu Panetta u sheegay wariyaasha in uu booqan doono magaalada Tripoli ee dalka Libya si uu u noqdo qofki ugu sareyey Mareykanka ee taga dalkaasi tan iyo marki la riday hogaamiyihi hore Al gaddafi kadib sideed bilood oo ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey inuu socdaal ku tagi doono dalka Iraq oo ay joogaan ciidamo Mareykanka ah si uu usoo xiro howlgalki Mareykanka ee Ciraq ee socday mudada sagaalka sano.