Xildhibaano xilki ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan baaralamaanka ayaa xilki ka qaaday gudoomiyaha baaralamaanka.

Mudanayaashan oo maanta fadhi aan caadi aheyn ku yeeshay xarunta baarlamanka ee Guriga Umada oo mudo bilooyin ah u xirnaa gudoomiyaha baarlamaanka ayaa aad u cambaareeyey gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Adan.

Fadhigi maanta oo ay kasoo qeybgaleen 283 mudane ayey xildhibaanada ku doorteen xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo u magacaabeen shir gudoonka cusub ee baaralamaanka.

Waxa boosaskooda sii joogaya gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad, oo ay ku casuumeen kulamada soo aadan beerlamaanka.

Xildhibaanadi kasoo qeybgalay kulankaan oo aad u careysnaa ayaa dhaliilay Sharif Xasan Sheekh Adan iyaga oo ku eedeeyey inuu jabiyey shuruucdii baarlamaanka isla markaana diiday fadhiyadi baarlamaanka.

Waxa ay sheegeen in ay aqoonsanyihiin heshiiskii Kampala ee labada Sharif sidoo kale waxay beeniyeen in ay hiigsanayaan kala qob qobka dowlada iyo soo celinta qilaafyadi ragaadiyey dowlada.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hada ka maqan dalka, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan booqdo dalka Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]