Tarsan oo weeraray hogaamiyaasha Al Shabab

Duqa magaalada Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyey hogaanka sare ee Shabab.

 

Isaga oo ka hadlayey shir loogaga hadlayey dhinaca nabada ayuu sheegay Tarsan in magaalada Muqdisho ay qasayaan dad cadaw ah oo diidan in shacabka ay ku noolaadaan nabad iyo amaan.

 

Dadkaasi cadawga ah ayuu qaarkood carabaabay isaga oo soo qaatay hogaamiyaasha Al Shabaab sida Fu,ad Shongole iyo afhayeenka Sheekh Cali Dheere oo uu sheegay in ay baabi,iyeen nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

“Magaaladaan cadaw badan ayey leedahay sida Shongole, Cali Dheere iyo kuwa la mid ah, dad baa diiday in magaalada ay nabad noqoto iyaga ayaa keenay gaajada, Shongole iyo Cali Dheere waxay rabaan in ay dhalinyarada laayaan, waxay rabaan in ay ka dhigaan dhalinyarada kuwo wax dila iyo kuwo la dilo,” ayuu yiri.

 

Dhanka kale waxa uu sida caqabad kale oo hor taagan amaanka Muqdisho ku sheegay kooxaha ku labisan dareyska ciidamada ee boobka iyo dhaca u geyssanayo raashinka mucaawinada ah ee loogu tala galay dadka masaakiinta ah.

 

“Isaga oo dhalinyara ah oo lixdiisa lixaad qaba oo xoog leh ayuu wuxuu isku dayaa inuu dhaco raashinka kuwa masaakiinta ah ee cuuryaamiinta ah loogu tala galay, isaga oo calool weyn leh ayuu rabaa inuu leexsado raashinka dadka masaakiinta ah waxaan leenahay ILAAHEEY caloosha cudur ha idinka geliyo oo ku dhinta raashinkaasi,” ayuu yiri Tarsan.

 

Hadalka Tarsan ayaa ah kii ugu kululaa ee uu ka jeediyo magaalada Muqdisho bilooyinki ugu danbeeyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]