Canada oo laga mamnuucayo indha shareerka

 Dowlada Canada ayaa ka mamnuucday dadka dalbanaya dhalashada in ay xirtaan indha shareerka.

Wasiirka soo galowga iyo deegaameynta Jason Kenney ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Montreal ku sheegay in qof walba oo doonayo inuu helo dhalashada Canada uu ku qasbanyahay inuu la arko wajiyadooda.

Waxa uu sheegay in waaxda qaabilsan bixinta dhalashooyinka iyo mudanayaasha ay dhowr jeer cabasho ka sameeyeen arimaha ku saabsan haweenka wata indha shareerka.

Dalka Canada waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 940,000 oo Muslimiin ah, waxa taasi oo noqaneysaa in 2.8% ay yihiin muslimiinta Canada marka loo eego tirada guud ee shacabka.

Indha shareerka iyo dharka ay dumarka muslimiinta ku xirtaa wajiga horay waxaa ay dowlada Canada uga mamnuucday meelaha ay dadka ka helaan adeegyada dowlada.

Canada ayaa hada dooneyso in ay balaariso mamnuucida indha shareerka, waxaana ay sheegtay in ay wado qorshe ay uga mamnuuceyso dumarka qaba indha shareerka in ay soo galaan xafiisyada dowlada, iskuulada iyo isbitaalka.

Qaar ka mid ah dalalka Yurub sida France iyo Belgium ayaa gabi ahaan ka mamnuucay dalalkooda indha shareerka.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected] 

1 COMMENT

  1. “Canada oo laga mamnuucayo indha shareerka” The title of this article is missleading and has nothing to do with the actual body of this argument. I live in Canada and have never seen or heared any sort of Canadian jurisdiction banning the NIQAB. It is not a news that the Canadians are obligated to show their faces when they are in the proccess of being issued any type of government ID. Please indicate where your news sources are coming from so as to legitimize and make the article worth reading.

    Hassan.

Comments are closed.