Odayaal kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo eedeyn kulul dusha uga tuuray madaxweyne Faroole

Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa iclaamiyey inay maxkamada ICC ku dacweynayaan madaxweynaha Puntland.

 

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen in ay la tiigsan doonaan madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole kaasi oo ay ku eedeeyeen in dowlada uu madaxda ka yahay ay ka danbeyso dhibaatooyin isugu jira dil, dhaawac iyo xarig loo geystay dad kasoo jeedo gobolada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

 

Malaaq Cali Shiine oo ah afhayeenka Odayaasha ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa u sheegay wariyaasha in ay kusoo oogayaan Mr Faroole dacwad la xiriira danbiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha iyo gabood fallo uu u geystay dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.

 

Kulanki maanta ay Muqdisho ku yeesheen odayaashaasi ayey sidoo kale kasoo saareen go,aano ay ku diideen in ay uga qeyb galaan wajiga labaad ee shirka wada tashiga Soomaaliya ee lagu wado bishan in lagu qabto magaalada Garoowe.

 

Ugu danbeynti waxay ugu baaqeen xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool in aysan ka qeybgalin shirka ka dhici doona magaalada Garoowe ee ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay si ay u muujiyaan carada ay u hayaan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.