Cali Dheere: ‘Ku biiritaanka Kenya ee AMISOM waa sida hilib doofaar oo loo bixiyey magac hulib ari’

Al Shabab ayaa wax aan macna laheyn kasoo qaaday ku biiritaanka ciidamada Kenya ee AMISOM.

Hadal uu siiyey warbaahinta ku hadasho codka Al Shabab ayuu Mr Cali Dheere ku sheegay dowlada Kenya aysan waxba ku tari doonin ku biiritaanka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, isaga oo intaasi raaciyey in dagaalyahanada Al Shabab ay si walbo weerari doonaan.

“Waxaan ognahay in dowlada iyo baarlamaanka Kenya ay isku waafaqeen in ciidamada gaalada ee Kenya ku biiraan waxa ay gaalada yiraahdana Amisom, marka taasi macnaheedu waa iyada oo la yiri Baarlamaanka Kenya dowladaba waxay isku raaceen in ay ku biiraan waxa gaalada ay igu yeerto AMISOM, Kenya waxaan leenahay hadii gaalada AMISOM aad ku biirtaan taasi macnaheedu waa iyadoo la dhahay Hilib dofaar hadii hilib ari loo bixiyo xalaal buu noqonaa marka waa wax aanan is qabaneyn”. ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday booqashadi uu Jimcihi ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, isaga oo ku tilmaamay booqasho fulaynimo ah.

“Waxaa si fulaynimo ah Muqdisho ku yimid gudoomiyaha gaalada Midowday wuxuu yiri Al SHabab hala hadleen waxa ay dhahaan dowlada KMG oo aan u naqaano ridada, waxaan leenahay waa waxaanan dhici doonin inta aan noolnahay in ay la hadlaan dowlada, taasi micnaheedu waa gaalada isku dhiiba.” ayuu yiri Cali Dheere.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Midnimo.com.