Barakac ka bilowday Baardheere

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka bilowdeen barakac xoog leh kadib duqeymo kusoo batay magaalada.

Tani ayaa ka danbeeysay marki tiro ka laba jeer ay duqeeyeen ciidamada cirka dalka Kenya magaaladaasi oo ka mid ah meelaha ay sida xooga leh u maamulaan Al Shabab ee gobolka Gedo.

Duqeynti ugu danbeysay waxay diyaaradaha Kenya u geysteen dhalay, waxaana gantaal ku dhacay xarun ay leedahay hey’ada Bisha Cas ku dhaawacmay qof rayid ah.

Dad badan ayaa hada go,aansaday in ay ka guuraan, qaarkood waxay dageen tuulooyinka u dhaw dhaw magaalada, halka qaar kalana ay u baxeen magaalooyinka kale ee gobolka Gedo.

“Ninyahoow dadka waxay u barakacayaan deegaano 10-km ilaa 20-km u jira magaalada, dadku ma yaqaanaan meel ay aadaan, marka dadka dad badan ayaa baxay waayo dadka waxay ka baqayaan duqeyn, hadii diyaarad soo guuxdo ilmaha yar yar xitaa waxay leeyihiin ALLE wey timid diyaaradi baa timid,” sidaa waxaa yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

Khamiisti lasoo dhaafay ayey aheyd marki laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay gantaalo ku tuureen Baardheere, weerarkaasi oo ay sheegatay dowlada Kenya waxaa ku dhintay hal ruux halka uu ku dhaawacmay qof kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Midnimo.com.