2,000 oo Ciidamada AMISOM ayaa Saacadihii u danbeeyay gaaray Baydhabo

Warar hada soo dhacay islamarkaasna naga soo gaaray magalada Baydhabo, ee xaruunta goobolka Bay, ayaa sheegaya in halkaas ay saakay gaareen Ciidamo aad u farabadan oo wata dabaabadaha dagaalka, Ciidamdan ayaa ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamadaan ay u kala jiheysteen, Garoonka diyaaradaha iyo cirifyada magaalada.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawaanahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool, ay badali doonaan Ciidamo kale oo katirsan midowga Afrika.

Ciidamada katirsan AMISOM, ayaa shalay gelinkii danbe ilaa xalay gaarayay magaalada Baydhabo, waxayna Ciidamadaan sida la sheegay ku yimaadeen wadada ka timaada magaalada Muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafayba wadada kusii jiray.

Ciidamadan ayaa lagu qiyaasay ineey gaarayaan ilaa 2,000 oo ciidan, waxayna wataan sida lasheegay hub aad u cul culus, islamarkaana ay kujiraan Kaarayaasha iyo gaadiidka xanbaara madaafiicda waa weyn.

Gudoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Cismaan Jawaari, oo dhawaan booqday magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Ciidamo katirsan AMISOM, ay imaan doonaan mgaalada Baydhabo, oo loogu tala galay in Ciidamada Ethiopia goobaha ay ka joogaan Bay iyo Bakool ay kala wareegaan.

Ciidamadan ayaa markii ay gaareen magaalada Baydhabo, waxa ay u kala jiheysteen dhanka garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, oo Ciidamo yar oo AMISOM katirsan ay joogaan, halka kuwo kalena ay qabteen dhanka wadada aada Bardaale.

Ciidamada AMISOM gaaray Baydhabo ayaa kusoo aadaya xili la hadal haayo in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool ay isaga bixi doonaan, waxaana jirtay in taliyaha Ciidamada AMISOM uu horay u sheegay ineey buuxin doonaan, islamarkaasna ay ku filanyihiin sugitaanka amaanka goobaha ay baneeyaan ciidamada Ethiopia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here