20-Sano Kadib Diyaarada Somali Airline oo Dib loo Howl galinayo

Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa ku dhawaaqday in mardhow la howl galin doono diyaarada Somali Airline, sidookale wasaarada waxay sheegtay in la joojin doono gaadiidka duuga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” ayaa sheegay in ay dhowaan howlgalindoonto Diyaaradda Soomaali Airline taas oo aan howlgalin mudadii uu burburka jiray.

Hadii ay kadhabeyso wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka qorshaha dib loogu howl galinayo Diyaarada Somali Airline waxay noqon doontaa talaabo ay aad usoo dhoweeyaan shacabka Soomaaliyeed iyadoo lawada xasuusto in shirkadda Somali Airline ay kamid ahayd bari samaadkii shirkadaha ugu caalamisan qaarada Africa dhanka diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here