20 musharax oo uu ku jiro Madaxweyne Sharif ayaa gudbisay araajidooda

Kadib marki uu gudiga doorashada saakay iclaamiyey in maanta ay bilaabayaan qabashada araajida ayey musharaxiinta bilaabeen in ay gudbiyaan warqadahooda iyo sharuudaha laga rabo.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka Ismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in dadka soo gudbiyey ay gaarayaan in ka badan 20 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha xiligiisu dhamaady Sharif Sheekh Axmed.

” Waxaa noo soo gudbisay maanta araajdooda ilaa iyo 20 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Shariif, si dadka muwaadinimadiisa loo xaqiijyo ayaan waxaan ku xirnay baasaboor maadaama dad badan oo ka mid ah musharaxiinta ay ka yimaadeen dibada,” ayuu yiri.

Dhanka kale madaxweyne Sheekh Shariif ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib marki uu ka qeybgalay aaska hogaamiyihi hore ee Itoobiya Males Zanawi kaasi oo shalay lagu aasay kaniisad ku taala magaalada Adis Ababa.

Soo dhaweynta Muqdisho loogu sameeyey Sheekh Shariif waxa ay aheyd mid aanan horay loo arag kadib marki dadka la safay garoonka diyaaradaha ilaa aqalka madaxweynaha, waxaana ka dhexmuuqday ololahiisa doorahada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here