2 Nin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Koofur Afrika

Laba nin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika, dilalkaan ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadaoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay  dalka Koofur Afrika kasoo cusboonaadeen falalka ajaanib naceebka ku saleeysan, ee lagu beegsanayo dadka ajaanibta ah ee Soomaalida kamid tahay.

Labadaan nine e Soomaalida ah, ayaa la sheegay in loo dilay siyaabo kala duwan, mid kamid ah ayaa la sheegay in ladilay xili uu doonayay inuu burcad boobeysay dukaamo ay Soomaali iyo Ethiopian ku leeyihiin Caasimada, halka midka labaadna la dilay xili uu ku sugnaa dukaankiisa.

Dhanka kale waxaa weli halkooda kasii soconaya dhaca dukamada Ajaanibta ay ku leeyihiin dalka Koofur Afrika, waxaana ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay la dhacay 10 dukaan oo Soomaali leedahay iyo 5 dukaan oo ay Ethiopian leeyihiin.

Boobka lagu haayo dukaamada Soomaalida iyo Ethiopianka ayaa yimid, kadib markii Soomaalida lagu eedeeyay dilka labo nin oo Madoow ah, laakiin Soomaalida South Afrika ayaa iska fogeeyay eedeynta ah ineey dileen nimankas madaowga ah, balse waxay sheegeen in meeydadka nimankaan lasoo dhigay meel u dhow goobahooda ganacsiga.

Ciidamada Booliska dalka Koofur Afrika ayaa isku dayaya ineey xakameeyaan dhaca loo geeysanayo goobaha ganacsiga Ajaanibta, oo ay Soomaalida kujirto, balse waxaa muuqata in ilaa iyo hada aysan ku guuleysan arintaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here