Caruur ugu geeriyootay cudurka Jadeecada degmada Caabudwaaq

Ilaa iyo shan caruur ah ayaa la xaqiijiyey in ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen isbitaalka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Xanuunkaan oo laga soo sheegayo inuu ka dilaacay degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa hada u jiifa isbitaalka magaalada tiro caruur ah oo uu soo ritay.

Agaasimaha isbitaalka degmada Caabudwaaq Dr. Axmed Sheekh Faarax ayaa sheegay in caruurta u dhimatay xanuunkaan ay da,dooda u dhaxeyso hal ilaa iyo shan sana jir.

Waxa uu tilmaamay in ay daweeyeen caruur badan, balse uu wali hayo caruur kale oo haatan u jiifa xanuunka isbitaalka, isaga oo ka codsaday hey’adaha gargaarka ee qaabilsan dhinaca caafimaadka in ay dawooyin lasoo gaaraan isbitaalka.

Cudurka Jadeecada ayaa ka mid ah cudurada ugu badan ee laaya caruurta Soomaaliyeed, Jadeecada ayaa ah xanuun dilaa ah oo aanan la heyn daawo balse leh ka hor tag iyo guri.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.