190 mudane oo ka tirsan xildhibaanada cusub oo goordhaw lagu dhawaaqayo

Gudiga farsamada soo xulista xildhibaanada ayaa maanta ku dhawaaqayo magacyada xildhibaanada baarlamaanka.

Sida aanu xogta ku heleyno, gudiga ayaa sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan 190 xildhibaan oo ay ansixiyeen kuwaasi oo aad uga badan tiradi ay filayeen in ay u noqdaan xildhibaanada soo buuxiyey shuruudihi laga rabay.

Dadkaan lasoo gudbiyey ee noqonaya xildhibaanada ayaa haatan loo qeybinayaa warqadahoodii aqoonsiga xildhibaanka, waxaana kadib saacadaha dhaw ee fooda nagu soo haya lagu wadaa in gudiga ay saxaafada usoo bandhigaan.

Gudiga ayaa u qorsheeyey hadii ay beri ciid noqoto in baarlamaanka cusub uu fadhigiisa ugu horeeyo Muqdisho ku yeesho maalinta Axada ah ee soo aadan isla markaana uu shir gudoomiyo mudanaha ugu da,da weyn.

Kooramka baarlamaanka cusub ayaa ku ansaxaya helitaanka 184 mudane, haatana sida muuqata wuuba dhaafay, iyadoo inta ka harsana ay odayaasha haatan ka shaqeynayaan sida ay gudiga sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here