19 ku dhimatay dab ka kacay tukaan ku yaala magaalada Doha

Ugu yaraan 19 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen kadib dab ka kacay xarun laga tukaameysto oo ku taala magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Saraakiisha xaga amaanka iyo goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in 13 ka mid ah dhibanayaasha in ay ahaayeen caruur ku sugneyd xaruntan oo lagu magacaabo Villagio.

Wali ma cada waxa dhaliyey dabka, hase yeeshee wasiirka xaaladaha deg dega ah ee Qatar ayaa lagu wadaa in goor dhaw uu la hadlo saxaafada sida uu ku waramay TV-ga Al Jazeera.

Xarunta Villagio mall ayaa ka mid ah meelaha loogugu tukaameysiga badanyahay ee magaalada Doha, waxa uu leeyahay goobo lagu nasto, hoteel, parkin  iyo shaleemo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.