18% xiriirka Guurka UK oo ku dhamaada Furiin

Daraasad cusub oo laga sameeyay gudaha dalka Ingiriiska, ayaa tilmaameysa in 18% xiriirka Guurka uu ku dhamaado furiin iyo kala tag amaba ay ku fikiraan ineey kala tagaan.

Daraasadaan ama warbixintaan oo ay diyaarisay Hay’ad Kheyri ah, ayaa tilmaameysa in 20980 ruux oo xiriir sameeyay intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2016 ay is fureen.

150805173315_divorce_spouse_640x360_thinkstock_nocredit

Daraasadaan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in caruurta ay isku dhaleen ay saameyn xun ku yeelatay kala taga waalidkood, gaar ahaan waxbarashadooda ayaa la sheegay ineey saameyn ku reebtay.

“Caruurta ku barbaarta waalidkood oo is dagaalsan ama kala tagay, ayaa ah caruurta ugu badan ee ay maskixiyan ku reebtay saameyn xun, iyagoo aan si wanaagsan u wadan karin wax barashadooda iskuulka” ayaa lagu yiri Daraasada.

150817113110_150504174221_divorce_640x360_bbc_nocredit

Daraasadan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabaha sababa kala taga ama furiinka, waxeeyna warbixintu si gaara u xustay in 2 arin ay sabab u tahay, kuwaasoo kala ah dhinaca biilka (Masaruufka) iyo maseerka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here