1,700 oo ciidamo Ugandes dheeraad ah ayaa Muqdisho soo gaaray

Dowlada Uganda ayaa geysay magaalada Muqdisho ciidamo kale oo dheeraad ah oo gaaraya 1,700 taasi oo ka dhigeysa dhamaan ciidamada ka jooga Soomaaliya 8,000 .

Afhayeenka milatariga Uganda Col. Felix Kulayigye, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in ciidamada ay joogi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay u xajiyaan buu yiri meelaha ay saaxibadood horay u qabteen.

“Ciidamada mar hore ayeyba gaareen magaalada Muqdisho, waxay door ka qaadan doonaan sugida amaanka Mogadishu halka ciidamada kalana ay u dhaqaaqi doonaan banaanka caasimada si ay u nadiifiyaan.” ayuu yiri.

“Wax wablba waxay u socdaan sidi loogu tala galay waxaana rajeyneynaa in aan qabsano meelo kale oo badan oo ay hada maamulaan Al Shabaab,” ayuu warkiisa ku sii daray afhayeenka.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo xaga milatariga ah, ciidamadaan oo ka qeyb qaadan doona howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa uu ka wado Soomaaliya, waxa lasoo dhameystiray todobaadki lasoo dhaafay dhamaadkiisii.

Kordhinta ciidamada Amisom, waxay ka danbeysay go,aano kasoo baxay fadhi ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku yeesheen New York kaasi oo ay ku ogolaadeen qaraar dhigaya in la kordhiyo ciidamada Midowga Afrtica.

Waxaa la rajeynayaa in laga dhigo ciidamada oo haatan ah 12,000  ilaa iyo 17, 731.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.