17 ruux oo ku geeriyootay baabuurki galabta ku rogmaday Wadada Maka Al Mukara iyo cabsi laga qabo in dhimashado ay sii kordho

Faah faahin buuxda ayaan ka helnay gaari ay la socdeen taageerayaasha ciyaartooyda degmada Wadajir oo galabta qorax dhici ku rogmaday wadada Maka Al Mukaram ee magaalada Muqdisho.

Gaariga oo ahaa noocyada waaweyn ee xamuulka lagu qaado ayaa waxaa uu dad ka badan 70 ruux kasoo qaaday garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho oo ay galabta ka dhacday ciyaar ka mid ah tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo haatan maraya gaba gabo.

Baabuurka oo ku rogmaday meel u dhaw Shaleemo Soomaaliya ee wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 17 ruux oo ka mid ah taageerayaasha degmada Wadajir, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay ku dhawaad 30 kale.

Dad goob joog ah oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadka qaar uu ku seexday baabuurka kuwaasi oo wajiyadooda la aqoonsan waayey.

CIidamada AMISOM oo usoo gurmaday ayaa baabuurka istaajiyey iyaga oo goobta geeyey wiish kadibna ka daad gureeyey meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Goobta ayaa aad waxa u buuxiyey dad fara badan iyadoo marki danbe ay dadka kala eryeen ciidamada amaanka oo goobta durbadiiba yimid si ay amniga u sugaan.
Dhacdadaan naxdinta leh ayaanana la ogeyn sababaha keenay, laakin baabuurka ayaa ahaa mid xoog u socday isla markaana ay saarnaayeen dad aad u fara badan.

Xulka Wadajir ayaa galabta kulan ka tirsanaa wareega afar dhamaadka waxa uu la ciyaaray xulka degmada Yaaqshiid, waxaana rigoorayaal ku badisay degmada Yaaqshiid marki ciyaarta waqtgi loogu tala galay ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com.