17 ruux oo ku dhimatay dagaal galabta ka dhacay Xudur

Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku geeriyootay qaar kale oo badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib dagaal xoog leh oo Al Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ku dhexmaray duleedka maagalada Xudur.

Dagaalka oo ay ciidamada dowlada ku saacidayeen kuwa Itoobiya ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada  Agab-Bedey  oo oo qiyaastii 20-km u jirto caasimada Bakool ee Xudu halkaas oo ay fariisimo ku lahaayeen Al Shabaab.

Xildhibaan Axmed Mashruuc oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee jooga Bakool ayaa u sheegay VOA ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ku guuleysteen in ay qabsadaan deegaanka, isaga oo intaasi raaciyey in ay hayaan meydadka Al Shabaab dagaalka kadib.

Sheegashadiisa ma jirto cid madax banaan oo xaqiijisay, hase yeeshee xaalada deegaanka ayaa wali qasan iyadoo ciidamada dowlada ay dib uga soo baxeen deegaankaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa magaalooyinka Baydhabo iyo Bakool bilooyinki lasoo dhaafay kadib marki ay xoog uga saareen Al Shabaab oo laakin wali joogo deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. walaahi suma walaahi qabrigu waa cidhiidh waa qadh muun waa mugdi ilaa in ilaahay una xariistay mooyee alaah kacabsada oo isdaaya dadku waa afku dhiigle caloolku dhiigle gacaan ku dhiile intuba waa is ku mid waxaan idinka iyo naftaydaba udardaarmayaa ale kacabsasho soon or letter waa tegi ilaahay unoqda inta goorigootahay wa bilaahi taw fiiq

Comments are closed.