Markab Boosaaso Ku Gubtey Oo Ka Hadleen Maamulka Puntland.

Maamulka Puntiland ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha sababay gubashada Markab ku xirnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari,kaasi oo lasoo sheegayo inuu qasaaro ka dhashay.

Wasiirka Gaadiidka Dekedaha iyo Badda Puntiland iyo Ladagaalanka Burcad Badeedda Maxamed Siciid Raage ayaa wariyaasha u sheegay in Markabka gubtay uu waday shidaal isla markaana gubashadiisa ay ka dambeysay kadib markii Mashiinka hoose ee Markabka uu Dab qabsaday.

Dhanka kale waxa aan weydiinay sida Maamulka Puntiland ay ugu diyaar garoobeen Marka ay Markab ama Dooni ay Dab Ku qabsadaan Dekedda Magaalada Boosaaso waxaana uu sheegay in intabadan shaqaalaha Dekadda ay inta badan ku guuleystaan daminta Marka ay dhacaan dhibaatooyinkan oo kale .

Maamulka Puntiland waxaa uuu sheegay in ilaa iminka aan laga Faah faahin karin Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay markabka Habeenimadii xalay ku gubtay Dekedda Magaalada Boosaabo.

Masuuliyiinka Maamulka waxaa ay sheegeen markii laga war helay Gubashada Markabka loo dhaqaajiyay dhanka Badda si loo damiyo Markabka laguna guuleystay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here