Buug la magac baxay Tiirka Nabada oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Buuq cusub oo diirada saareysa xaalada Gobolada Dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray Tiirka Nabada, Carqaladaga iyo Fursadaha Gobolada Dhexe ayaa waxaa soo bandhigtay Xarunta Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD.

Buugan oo si wada jir ah ay u abaabuleen CRD iyo Interpeace ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyadoo ifafaalo nabadeed ka jirto guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Gobolada dhexe, is bedelada ka socda Koofurta Soomaaliya, kuwa dhexe iyo magaalada Muqdisho.

Kulan ballaaran oo ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada, Madaxda Maamulka Gobolada Dhexe, Aqoonyahano, Ururada Haweenka, Odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyaro, iyadoo buugan ahaa mid qeexayay macluumaad la xiriira Xaalada Gobolada Dhexe.

Jabril Ibrahim Abdulle oo ah madaxa xarunta CRD oo ka hadlay munaasabada bandhiga Buugan ayaa sheegay in warbixinta ay ku soo aaday xili kala guur ah oo shacabka Soomaaliyeed doonayo Isbadal Nabadeed.

“Goboladda Dhexe ee Soomaaliya waxa ay galeen xli cusub oo ay doonayain ay kaga baxaan Go’doonka Siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ijtimaaci, dadkuna waxaa ay u soo jeesteen in aysan kaalmo ka sugin muqdishu oo ay isku tashtaaan”ayuu yiri Jabriil oo intaa ku daray in xilliga kala guurka iyo dareenka ka jira Gobolada Dhexe uu iftiiminayo in laga faa’ideysto Fursadaha qaaliga ah.

Cabdirahman Cusman Raage oo ah Agaasimaha Barnaamijka Soomaalida ee hay’adda Interpeace ayaa isna farta ku fiiqay waxyaabaha uu buugan muujinayo, isagoo xusay inay ugu weyn tahay sida nabad waarta ah ay ku imaan karto.

“Waxyaabaha buugan muujinaya waxaa ka mid in nabad waarta ay ku imaan karto oo kaliya marka dadka deegaanka oo ayaga la wareegaan nabadooda, waxaana jira tusaale fiican oo lagu dayan karo, waa lama huraan dadka ama hay’addaha doonayo in ay ka howl galaan goboladda dhexe inay sii kobciyaan ama wax ku daraan guulihii horay loo gaaray oo aysan baarnaamijyo cusub oo burburinaaya gulahaas aan kor looga keenin”ayuu yiri Mr Raage.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Wasiiro, Wasiiru Kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal, qaar ka mid Bulshada rayidka, iyadoo kulankan si toos looga dhageysanayay Gobolada dhexe,

Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Abdulakadir Maxemed Dhicisow ayaa sheegay in talooyinka buugaan aad loga faa’idaysto, isagoo sheegay in macluumaadka uu wato buugan yahay mid yididiilo muujinaya.

“Waxaa ku qoran warbixintan waxaa uu xaqiijinayaa inuu noo iftiiminayo in Taladda lagu celiyo shacabka deegaanka. Qoraalka waxaa uu noqon doonaa mid tusaale u noqda hayadaha iyo dowladaba si loo sii horamariyo Nabadda iyo Guulaha la gaaray”ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarka Mr Dhicisow.

Dr. Abdi Ali, oo Wasiiru Doowlaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa isaga sheegay in Warbixintaan laga faa’idaysto, dadku ku dhaqan goboladda dhexe ay kordhiyaan da’daalkooda, isagoo sidoo kaliya ku adkeeyaya hay’ada CRD in ay warbixinta noocaani ah lagu baahiyo dalka oo dhan.

Maxamed Aadan Ticeey oo ah Madaxwaynaha Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in goboladda dhexe ay ka baxaan maamulada faraha badan ee ka jira, waxaana uu tilmaamay in midnimo lagu horumarin karo Gobolada

Haya’adda CRD Waxaa ay horay wax uga qabatay degaano kala duwan ee ka tirsan goboladda Somaaliya , sida Jubooyinkam Shabeeloyinka, Gedo, Bay iyo Bakool waxaana u qorsheysan in ay soo saarto qoraalo ka mid ah qoraalada oo dhawaan la soo saari doono.

Buugaan oo ka kooban 176, waxaa uu soo gudbinayaa dareenka iyo codka dadka ku dhaqan goboladda Dhexe ee Soomaaliya , waxaan ku qoran talooyin wax ku ool ah oo ku wajahan shacabka ku dhaqan deegaanka, dowlada dhexe iyo bulshada caalamka ee daneeysa Soomaaliya.

Dhamaad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here